الصافات
As-Saaffaat
Translation: Somali - Mahmud Muhammad Abduh · Open the surah
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفّٗا
Open ayah 37:1(Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan.
فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجۡرٗا
Open ayah 37:2Iyo tan kaxaysa daruuraha.
فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا
Open ayah 37:3Iyo tan akhrida Quraanka.
إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٞ
Open ayah 37:4Ee ilaahiin waa mid (qudha).
رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ
Open ayah 37:5Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda.
إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ
Open ayah 37:6Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah.
وَحِفۡظٗا مِّن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ مَّارِدٖ
Open ayah 37:7Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag.
لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰ وَيُقۡذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٖ
Open ayah 37:8Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta.
دُحُورٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ وَاصِبٌ
Open ayah 37:9Iyagoo la cryi oo cadaab joogta ah usugnaaday.
إِلَّا مَنۡ خَطِفَ ٱلۡخَطۡفَةَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ ثَاقِبٞ
Open ayah 37:10Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi.
فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَهُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَم مَّنۡ خَلَقۡنَآۚ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّن طِينٖ لَّازِبِۭ
Open ayah 37:11Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta.
بَلۡ عَجِبۡتَ وَيَسۡخَرُونَ
Open ayah 37:12Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi.
وَإِذَا ذُكِّرُواْ لَا يَذۡكُرُونَ
Open ayah 37:13Marka la waaniyana ma waantooban.
وَإِذَا رَأَوۡاْ ءَايَةٗ يَسۡتَسۡخِرُونَ
Open ayah 37:14Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan.
وَقَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٌ
Open ayah 37:15Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.
أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ
Open ayah 37:16Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin.
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ
Open ayah 37:17Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin).
قُلۡ نَعَمۡ وَأَنتُمۡ دَٰخِرُونَ
Open ayah 37:18Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan.
فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ فَإِذَا هُمۡ يَنظُرُونَ
Open ayah 37:19Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi.
وَقَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا هَٰذَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
Open ayah 37:20Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta.
هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
Open ayah 37:21Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen.
۞ٱحۡشُرُواْ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَأَزۡوَٰجَهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَعۡبُدُونَ
Open ayah 37:22Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen.
مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهۡدُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡجَحِيمِ
Open ayah 37:23Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo.
وَقِفُوهُمۡۖ إِنَّهُم مَّسۡـُٔولُونَ
Open ayah 37:24Joojiyana waxbaa la waydiine.
مَا لَكُمۡ لَا تَنَاصَرُونَ
Open ayah 37:25(Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin.
بَلۡ هُمُ ٱلۡيَوۡمَ مُسۡتَسۡلِمُونَ
Open ayah 37:26Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen.
وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ
Open ayah 37:27Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan.
قَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَأۡتُونَنَا عَنِ ٱلۡيَمِينِ
Open ayah 37:28Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga).
قَالُواْ بَل لَّمۡ تَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ
Open ayah 37:29Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn.
وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭۖ بَلۡ كُنتُمۡ قَوۡمٗا طَٰغِينَ
Open ayah 37:30Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey.
فَحَقَّ عَلَيۡنَا قَوۡلُ رَبِّنَآۖ إِنَّا لَذَآئِقُونَ
Open ayah 37:31Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka).
فَأَغۡوَيۡنَٰكُمۡ إِنَّا كُنَّا غَٰوِينَ
Open ayah 37:32Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn.
فَإِنَّهُمۡ يَوۡمَئِذٖ فِي ٱلۡعَذَابِ مُشۡتَرِكُونَ
Open ayah 37:33Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi.
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِينَ
Open ayah 37:34Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha.
إِنَّهُمۡ كَانُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسۡتَكۡبِرُونَ
Open ayah 37:35Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya.
وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓاْ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٖ مَّجۡنُونِۭ
Open ayah 37:36Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan.
بَلۡ جَآءَ بِٱلۡحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Open ayah 37:37Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray).
إِنَّكُمۡ لَذَآئِقُواْ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَلِيمِ
Open ayah 37:38Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya).
وَمَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
Open ayah 37:39Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo.
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
Open ayah 37:40Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan).
أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ رِزۡقٞ مَّعۡلُومٞ
Open ayah 37:41Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno).
فَوَٰكِهُ وَهُم مُّكۡرَمُونَ
Open ayah 37:42Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti.
فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
Open ayah 37:43Jannooyinka Naciima.
عَلَىٰ سُرُرٖ مُّتَقَٰبِلِينَ
Open ayah 37:44Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili.
يُطَافُ عَلَيۡهِم بِكَأۡسٖ مِّن مَّعِينِۭ
Open ayah 37:45Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano).
بَيۡضَآءَ لَذَّةٖ لِّلشَّٰرِبِينَ
Open ayah 37:46Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi.
لَا فِيهَا غَوۡلٞ وَلَا هُمۡ عَنۡهَا يُنزَفُونَ
Open ayah 37:47Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada).
وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ عِينٞ
Open ayah 37:48Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn.
كَأَنَّهُنَّ بَيۡضٞ مَّكۡنُونٞ
Open ayah 37:49Ood moodo ukun la dhowray.
فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ
Open ayah 37:50Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin.
قَالَ قَآئِلٞ مِّنۡهُمۡ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٞ
Open ayah 37:51Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih.
يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُصَدِّقِينَ
Open ayah 37:52Dhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta).
أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ
Open ayah 37:53Ma markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin.
قَالَ هَلۡ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ
Open ayah 37:54Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan.
فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِي سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ
Open ayah 37:55Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda.
قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرۡدِينِ
Open ayah 37:56Wuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso).
وَلَوۡلَا نِعۡمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ
Open ayah 37:57Haddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta).
أَفَمَا نَحۡنُ بِمَيِّتِينَ
Open ayah 37:58(Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin.
إِلَّا مَوۡتَتَنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ
Open ayah 37:59Geerideenii hore mooyee laynama cadaabayn.
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
Open ayah 37:60Taasina waa uun liibaanta wayn.
لِمِثۡلِ هَٰذَا فَلۡيَعۡمَلِ ٱلۡعَٰمِلُونَ
Open ayah 37:61Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali.
أَذَٰلِكَ خَيۡرٞ نُّزُلًا أَمۡ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ
Open ayah 37:62Mataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd).
إِنَّا جَعَلۡنَٰهَا فِتۡنَةٗ لِّلظَّٰلِمِينَ
Open ayah 37:63Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta.
إِنَّهَا شَجَرَةٞ تَخۡرُجُ فِيٓ أَصۡلِ ٱلۡجَحِيمِ
Open ayah 37:64Waana geed kasoobaxda gunta jaxiimo.
طَلۡعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَٰطِينِ
Open ayah 37:65Midhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan.
فَإِنَّهُمۡ لَأٓكِلُونَ مِنۡهَا فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ
Open ayah 37:66Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha.
ثُمَّ إِنَّ لَهُمۡ عَلَيۡهَا لَشَوۡبٗا مِّنۡ حَمِيمٖ
Open ayah 37:67Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran.
ثُمَّ إِنَّ مَرۡجِعَهُمۡ لَإِلَى ٱلۡجَحِيمِ
Open ayah 37:68Markaas waxay ku noqon jaxiimo.
إِنَّهُمۡ أَلۡفَوۡاْ ءَابَآءَهُمۡ ضَآلِّينَ
Open ayah 37:69Waxay heleen aabayaalkood oo baadi ah.
فَهُمۡ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ يُهۡرَعُونَ
Open ayah 37:70Iyaguna raadkoodii bay ku dag dagi.
وَلَقَدۡ ضَلَّ قَبۡلَهُمۡ أَكۡثَرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
Open ayah 37:71Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore.
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ
Open ayah 37:72Waxaana udiraydhexdooda udigayaal.
فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ
Open ayah 37:73Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay.
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
Open ayah 37:74Hasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan).
وَلَقَدۡ نَادَىٰنَا نُوحٞ فَلَنِعۡمَ ٱلۡمُجِيبُونَ
Open ayah 37:75Waxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican.
وَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ
Open ayah 37:76Waxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii).
وَجَعَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلۡبَاقِينَ
Open ayah 37:77Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun.
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
Open ayah 37:78Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah).
سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٖ فِي ٱلۡعَٰلَمِينَ
Open ayah 37:79NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato.
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
Open ayah 37:80Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka.
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Open ayah 37:81Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa).
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
Open ayah 37:82Markaasaan maanshaynay kuwii kale,
۞وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبۡرَٰهِيمَ
Open ayah 37:83Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim.
إِذۡ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلۡبٖ سَلِيمٍ
Open ayah 37:84Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey).
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَاذَا تَعۡبُدُونَ
Open ayah 37:85Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan.
أَئِفۡكًا ءَالِهَةٗ دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ
Open ayah 37:86Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan.
فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Open ayah 37:87Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka.
فَنَظَرَ نَظۡرَةٗ فِي ٱلنُّجُومِ
Open ayah 37:88Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha.
فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٞ
Open ayah 37:89Wuxuuna yidhi waan bukaa.
فَتَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ مُدۡبِرِينَ
Open ayah 37:90Markaasay katageen kana jeedsadeen.
فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمۡ فَقَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ
Open ayah 37:91Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn.
مَا لَكُمۡ لَا تَنطِقُونَ
Open ayah 37:92Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin.
فَرَاغَ عَلَيۡهِمۡ ضَرۡبَۢا بِٱلۡيَمِينِ
Open ayah 37:93Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay
فَأَقۡبَلُوٓاْ إِلَيۡهِ يَزِفُّونَ
Open ayah 37:94Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay).
قَالَ أَتَعۡبُدُونَ مَا تَنۡحِتُونَ
Open ayah 37:95Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen).
وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ
Open ayah 37:96Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan.
قَالُواْ ٱبۡنُواْ لَهُۥ بُنۡيَٰنٗا فَأَلۡقُوهُ فِي ٱلۡجَحِيمِ
Open ayah 37:97Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka).
فَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدٗا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَسۡفَلِينَ
Open ayah 37:98Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday).
وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهۡدِينِ
Open ayah 37:99Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin.
رَبِّ هَبۡ لِي مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
Open ayah 37:100Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo).
فَبَشَّرۡنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٖ
Open ayah 37:101Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco.
فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡيَ قَالَ يَٰبُنَيَّ إِنِّيٓ أَرَىٰ فِي ٱلۡمَنَامِ أَنِّيٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰۚ قَالَ يَٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُۖ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰبِرِينَ
Open ayah 37:102Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree.
فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلۡجَبِينِ
Open ayah 37:103Markay hogaansameen oos u lagday wajiga.
وَنَٰدَيۡنَٰهُ أَن يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ
Open ayah 37:104Yaan udhawaaqnay Ibraahimow.
قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
Open ayah 37:105Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha.
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ
Open ayah 37:106Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn).
وَفَدَيۡنَٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٖ
Open ayah 37:107Waxaana ku furanay loog weyn (wan).
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
Open ayah 37:108Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame.
سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ
Open ayah 37:109Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato.
كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
Open ayah 37:110Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha.
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Open ayah 37:111Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah.
وَبَشَّرۡنَٰهُ بِإِسۡحَٰقَ نَبِيّٗا مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
Open ayah 37:112Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah.
وَبَٰرَكۡنَا عَلَيۡهِ وَعَلَىٰٓ إِسۡحَٰقَۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحۡسِنٞ وَظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ مُبِينٞ
Open ayah 37:113Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya.
وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
Open ayah 37:114Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo).
وَنَجَّيۡنَٰهُمَا وَقَوۡمَهُمَا مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ
Open ayah 37:115Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd.
وَنَصَرۡنَٰهُمۡ فَكَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
Open ayah 37:116Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey).
وَءَاتَيۡنَٰهُمَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلۡمُسۡتَبِينَ
Open ayah 37:117waxaana siinay Kitaabkii caddaa.
وَهَدَيۡنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ
Open ayah 37:118Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan.
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِمَا فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
Open ayah 37:119Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah).
سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
Open ayah 37:120Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda.
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
Open ayah 37:121Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala,
إِنَّهُمَا مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Open ayah 37:122Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah.
وَإِنَّ إِلۡيَاسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Open ayah 37:123Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada.
إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ
Open ayah 37:124Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn).
أَتَدۡعُونَ بَعۡلٗا وَتَذَرُونَ أَحۡسَنَ ٱلۡخَٰلِقِينَ
Open ayah 37:125Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya.
ٱللَّهَ رَبَّكُمۡ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
Open ayah 37:126Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore.
فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ
Open ayah 37:127Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab).
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
Open ayah 37:128Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr).
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
Open ayah 37:129Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah).
سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلۡ يَاسِينَ
Open ayah 37:130Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa.
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
Open ayah 37:131Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala.
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
Open ayah 37:132Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah.
وَإِنَّ لُوطٗا لَّمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Open ayah 37:133Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray).
إِذۡ نَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
Open ayah 37:134Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan.
إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ
Open ayah 37:135marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga.
ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
Open ayah 37:136Ka dibna waxaan halaagnay intii kale.
وَإِنَّكُمۡ لَتَمُرُّونَ عَلَيۡهِم مُّصۡبِحِينَ
Open ayah 37:137Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga.
وَبِٱلَّيۡلِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
Open ayah 37:138Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin.
وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Open ayah 37:139Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray).
إِذۡ أَبَقَ إِلَى ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
Open ayah 37:140Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday.
فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُدۡحَضِينَ
Open ayah 37:141Oo uu qoriritay nodayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray).
فَٱلۡتَقَمَهُ ٱلۡحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٞ
Open ayah 37:142Kalluunna liqay isagoo ladagaalay.
فَلَوۡلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُسَبِّحِينَ
Open ayah 37:143Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa).
لَلَبِثَ فِي بَطۡنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
Open ayah 37:144Wuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka.
۞فَنَبَذۡنَٰهُ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٞ
Open ayah 37:145Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka.
وَأَنۢبَتۡنَا عَلَيۡهِ شَجَرَةٗ مِّن يَقۡطِينٖ
Open ayah 37:146Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed).
وَأَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ مِاْئَةِ أَلۡفٍ أَوۡ يَزِيدُونَ
Open ayah 37:147Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan.
فَـَٔامَنُواْ فَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ
Open ayah 37:148Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo.
فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَلِرَبِّكَ ٱلۡبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلۡبَنُونَ
Open ayah 37:149Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal.
أَمۡ خَلَقۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِنَٰثٗا وَهُمۡ شَٰهِدُونَ
Open ayah 37:150Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen.
أَلَآ إِنَّهُم مِّنۡ إِفۡكِهِمۡ لَيَقُولُونَ
Open ayah 37:151Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen.
وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
Open ayah 37:152Eeba waa dhalay waana beenaalayaal.
أَصۡطَفَى ٱلۡبَنَاتِ عَلَى ٱلۡبَنِينَ
Open ayah 37:153Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha.
مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ
Open ayah 37:154Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan.
أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Open ayah 37:155Miyeeydaan wax xusuusaneyn.
أَمۡ لَكُمۡ سُلۡطَٰنٞ مُّبِينٞ
Open ayah 37:156Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad.
فَأۡتُواْ بِكِتَٰبِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
Open ayah 37:157Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin.
وَجَعَلُواْ بَيۡنَهُۥ وَبَيۡنَ ٱلۡجِنَّةِ نَسَبٗاۚ وَلَقَدۡ عَلِمَتِ ٱلۡجِنَّةُ إِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ
Open ayah 37:158Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada).
سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ
Open ayah 37:159Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan.
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
Open ayah 37:160Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan).
فَإِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ
Open ayah 37:161Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy).
مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ بِفَٰتِنِينَ
Open ayah 37:162Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe.
إِلَّا مَنۡ هُوَ صَالِ ٱلۡجَحِيمِ
Open ayah 37:163Marka laga reebo kuwagali jaxiimo.
وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٞ مَّعۡلُومٞ
Open ayah 37:164Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan.
وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلصَّآفُّونَ
Open ayah 37:165Waana safannahay (cibaado darteed).
وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡمُسَبِّحُونَ
Open ayah 37:166Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe).
وَإِن كَانُواْ لَيَقُولُونَ
Open ayah 37:167Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha.
لَوۡ أَنَّ عِندَنَا ذِكۡرٗا مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ
Open ayah 37:168Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab).
لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
Open ayah 37:169Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban.
فَكَفَرُواْ بِهِۦۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
Open ayah 37:170Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca).
وَلَقَدۡ سَبَقَتۡ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Open ayah 37:171Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii).
إِنَّهُمۡ لَهُمُ ٱلۡمَنصُورُونَ
Open ayah 37:172In iyaga uun loo gargaari.
وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
Open ayah 37:173Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan),
فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ
Open ayah 37:174Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo.
وَأَبۡصِرۡهُمۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ
Open ayah 37:175Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca).
أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ
Open ayah 37:176Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan.
فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمۡ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلۡمُنذَرِينَ
Open ayah 37:177Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay.
وَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ
Open ayah 37:178Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo.
وَأَبۡصِرۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ
Open ayah 37:179Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca).
سُبۡحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلۡعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ
Open ayah 37:180Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun).
وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلۡمُرۡسَلِينَ
Open ayah 37:181Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda.
وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Open ayah 37:182Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah.