القيامة
Al-Qiyaama
Translation: Somali - Mahmud Muhammad Abduh · Open the surah
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
لَآ أُقۡسِمُ بِيَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ
Open ayah 75:1Waxaan ku dharaan maalinta qiyaame.
وَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلنَّفۡسِ ٱللَّوَّامَةِ
Open ayah 75:2Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).
أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَلَّن نَّجۡمَعَ عِظَامَهُۥ
Open ayah 75:3Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.
بَلَىٰ قَٰدِرِينَ عَلَىٰٓ أَن نُّسَوِّيَ بَنَانَهُۥ
Open ayah 75:4Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.
بَلۡ يُرِيدُ ٱلۡإِنسَٰنُ لِيَفۡجُرَ أَمَامَهُۥ
Open ayah 75:5Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.
يَسۡـَٔلُ أَيَّانَ يَوۡمُ ٱلۡقِيَٰمَةِ
Open ayah 75:6Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.
فَإِذَا بَرِقَ ٱلۡبَصَرُ
Open ayah 75:7Markase Araggu Wareero (Taagmo).
وَخَسَفَ ٱلۡقَمَرُ
Open ayah 75:8Dayuxuna Madoobaado.
وَجُمِعَ ٱلشَّمۡسُ وَٱلۡقَمَرُ
Open ayah 75:9Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.
يَقُولُ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذٍ أَيۡنَ ٱلۡمَفَرُّ
Open ayah 75:10Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.
كَلَّا لَا وَزَرَ
Open ayah 75:11Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمُسۡتَقَرُّ
Open ayah 75:12Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.
يُنَبَّؤُاْ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذِۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ
Open ayah 75:13Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.
بَلِ ٱلۡإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ بَصِيرَةٞ
Open ayah 75:14Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.
وَلَوۡ أَلۡقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ
Open ayah 75:15Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).
لَا تُحَرِّكۡ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعۡجَلَ بِهِۦٓ
Open ayah 75:16Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).
إِنَّ عَلَيۡنَا جَمۡعَهُۥ وَقُرۡءَانَهُۥ
Open ayah 75:17Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.
فَإِذَا قَرَأۡنَٰهُ فَٱتَّبِعۡ قُرۡءَانَهُۥ
Open ayah 75:18Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.
ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا بَيَانَهُۥ
Open ayah 75:19Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.
كَلَّا بَلۡ تُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ
Open ayah 75:20saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).
وَتَذَرُونَ ٱلۡأٓخِرَةَ
Open ayah 75:21Waxaadna ka tagaysaan aakhiro.
وُجُوهٞ يَوۡمَئِذٖ نَّاضِرَةٌ
Open ayah 75:22Wajiyaal Maalintaas way ifi.
إِلَىٰ رَبِّهَا نَاظِرَةٞ
Open ayah 75:23Eebeheedna way Eegi.
وَوُجُوهٞ يَوۡمَئِذِۭ بَاسِرَةٞ
Open ayah 75:24Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.
تَظُنُّ أَن يُفۡعَلَ بِهَا فَاقِرَةٞ
Open ayah 75:25Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.
كَلَّآ إِذَا بَلَغَتِ ٱلتَّرَاقِيَ
Open ayah 75:26Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).
وَقِيلَ مَنۡۜ رَاقٖ
Open ayah 75:27Oo la Dhoho uaa ku tufi.
وَظَنَّ أَنَّهُ ٱلۡفِرَاقُ
Open ayah 75:28Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.
وَٱلۡتَفَّتِ ٱلسَّاقُ بِٱلسَّاقِ
Open ayah 75:29Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).
إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمَسَاقُ
Open ayah 75:30Eebahaa Xaggiisaa la aadi.
فَلَا صَدَّقَ وَلَا صَلَّىٰ
Open ayah 75:31Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin.
وَلَٰكِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
Open ayah 75:32Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday.
ثُمَّ ذَهَبَ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِۦ يَتَمَطَّىٰٓ
Open ayah 75:33Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan.
أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰ
Open ayah 75:34Halaag Buuse Mutaa.
ثُمَّ أَوۡلَىٰ لَكَ فَأَوۡلَىٰٓ
Open ayah 75:35Haddana Halaagbuu Mutaa.
أَيَحۡسَبُ ٱلۡإِنسَٰنُ أَن يُتۡرَكَ سُدًى
Open ayah 75:36Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan).
أَلَمۡ يَكُ نُطۡفَةٗ مِّن مَّنِيّٖ يُمۡنَىٰ
Open ayah 75:37Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo.
ثُمَّ كَانَ عَلَقَةٗ فَخَلَقَ فَسَوَّىٰ
Open ayah 75:38Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana.
فَجَعَلَ مِنۡهُ ٱلزَّوۡجَيۡنِ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ
Open ayah 75:39Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig.
أَلَيۡسَ ذَٰلِكَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحۡـِۧيَ ٱلۡمَوۡتَىٰ
Open ayah 75:40Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.