الفجر
Al-Fajr
Translation: Somali - Mahmud Muhammad Abduh · Open the surah
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلۡفَجۡرِ
Open ayah 89:1Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga.
وَلَيَالٍ عَشۡرٖ
Open ayah 89:2Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo).
وَٱلشَّفۡعِ وَٱلۡوَتۡرِ
Open ayah 89:3Iyo Tirada siman iyo tan is dheer.
وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَسۡرِ
Open ayah 89:4Iyo Habeenku markuu tagayu.
هَلۡ فِي ذَٰلِكَ قَسَمٞ لِّذِي حِجۡرٍ
Open ayah 89:5Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh.
أَلَمۡ تَرَ كَيۡفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ
Open ayah 89:6Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad.
إِرَمَ ذَاتِ ٱلۡعِمَادِ
Open ayah 89:7Ee ahaa Irama xooggana lahaa.
ٱلَّتِي لَمۡ يُخۡلَقۡ مِثۡلُهَا فِي ٱلۡبِلَٰدِ
Open ayah 89:8Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka.
وَثَمُودَ ٱلَّذِينَ جَابُواْ ٱلصَّخۡرَ بِٱلۡوَادِ
Open ayah 89:9Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga.
وَفِرۡعَوۡنَ ذِي ٱلۡأَوۡتَادِ
Open ayah 89:10lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.
ٱلَّذِينَ طَغَوۡاْ فِي ٱلۡبِلَٰدِ
Open ayah 89:11kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka.
فَأَكۡثَرُواْ فِيهَا ٱلۡفَسَادَ
Open ayah 89:1212 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka.
فَصَبَّ عَلَيۡهِمۡ رَبُّكَ سَوۡطَ عَذَابٍ
Open ayah 89:13Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran.
إِنَّ رَبَّكَ لَبِٱلۡمِرۡصَادِ
Open ayah 89:14Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta).
فَأَمَّا ٱلۡإِنسَٰنُ إِذَا مَا ٱبۡتَلَىٰهُ رَبُّهُۥ فَأَكۡرَمَهُۥ وَنَعَّمَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّيٓ أَكۡرَمَنِ
Open ayah 89:15Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani).
وَأَمَّآ إِذَا مَا ٱبۡتَلَىٰهُ فَقَدَرَ عَلَيۡهِ رِزۡقَهُۥ فَيَقُولُ رَبِّيٓ أَهَٰنَنِ
Open ayah 89:16Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay.
كَلَّاۖ بَل لَّا تُكۡرِمُونَ ٱلۡيَتِيمَ
Open ayah 89:17Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.
وَلَا تَحَٰٓضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ
Open ayah 89:18Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.
وَتَأۡكُلُونَ ٱلتُّرَاثَ أَكۡلٗا لَّمّٗا
Open ayah 89:19Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.
وَتُحِبُّونَ ٱلۡمَالَ حُبّٗا جَمّٗا
Open ayah 89:20Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.
كَلَّآۖ إِذَا دُكَّتِ ٱلۡأَرۡضُ دَكّٗا دَكّٗا
Open ayah 89:21Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.
وَجَآءَ رَبُّكَ وَٱلۡمَلَكُ صَفّٗا صَفّٗا
Open ayah 89:22Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan.
وَجِاْيٓءَ يَوۡمَئِذِۭ بِجَهَنَّمَۚ يَوۡمَئِذٖ يَتَذَكَّرُ ٱلۡإِنسَٰنُ وَأَنَّىٰ لَهُ ٱلذِّكۡرَىٰ
Open ayah 89:23Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari.
يَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي قَدَّمۡتُ لِحَيَاتِي
Open ayah 89:24Waxay dhihi shallaytee maan wanaag hormarsado.
فَيَوۡمَئِذٖ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُۥٓ أَحَدٞ
Open ayah 89:25Malintaas sida Eebe wax ruux u Cadaabi ma jiro.
وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُۥٓ أَحَدٞ
Open ayah 89:26Wax sida Eebe wax u xidhina ma jiro.
يَٰٓأَيَّتُهَا ٱلنَّفۡسُ ٱلۡمُطۡمَئِنَّةُ
Open ayah 89:27Naftase xaqa rumaysay ee Xasillooneey.
ٱرۡجِعِيٓ إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةٗ مَّرۡضِيَّةٗ
Open ayah 89:28U noqo Eebaha adoo raalli ah lagana raalli noqday.
فَٱدۡخُلِي فِي عِبَٰدِي
Open ayah 89:29dhexgalna Addoomadayda (wanaagsan).
وَٱدۡخُلِي جَنَّتِي
Open ayah 89:30Galna Jannadayda.