البروج
Al-Burooj
Translation: Somali - Mahmud Muhammad Abduh · Open the surah
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ
Open ayah 85:1Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ
Open ayah 85:2Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
وَشَاهِدٖ وَمَشۡهُودٖ
Open ayah 85:3Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ
Open ayah 85:4Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).
ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ
Open ayah 85:5Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.
إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٞ
Open ayah 85:6Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.
وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٞ
Open ayah 85:7iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».
وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ
Open ayah 85:8Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ
Open ayah 85:9Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ
Open ayah 85:10Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ
Open ayah 85:11Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ
Open ayah 85:12Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.
إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ
Open ayah 85:13Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ
Open ayah 85:14Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).
ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ
Open ayah 85:15Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.
فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ
Open ayah 85:16Wuuna falaa wuxuu doono.
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ
Open ayah 85:17Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).
فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ
Open ayah 85:18Fircoon iyo Thamuud.
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٖ
Open ayah 85:19Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).
وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ
Open ayah 85:20Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).
بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٞ مَّجِيدٞ
Open ayah 85:21Waase Quraan sharaf leh.
فِي لَوۡحٖ مَّحۡفُوظِۭ
Open ayah 85:22Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).