الإنفطار
Al-Infitaar
Translation: Somali - Mahmud Muhammad Abduh · Open the surah
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتۡ
Open ayah 82:1Markay Samadu Dildillaacdo.
وَإِذَا ٱلۡكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتۡ
Open ayah 82:2Xiddiguhuna daataan.
وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ فُجِّرَتۡ
Open ayah 82:3Badahana laysku furo.
وَإِذَا ٱلۡقُبُورُ بُعۡثِرَتۡ
Open ayah 82:4Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).
عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّا قَدَّمَتۡ وَأَخَّرَتۡ
Open ayah 82:5Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلۡكَرِيمِ
Open ayah 82:6Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.
ٱلَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ
Open ayah 82:7Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.
فِيٓ أَيِّ صُورَةٖ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ
Open ayah 82:8Siduu doonana kuu sameeyey.
كَلَّا بَلۡ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ
Open ayah 82:9Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.
وَإِنَّ عَلَيۡكُمۡ لَحَٰفِظِينَ
Open ayah 82:10Malaa'ig baana idin ilaalinaysa.
كِرَامٗا كَٰتِبِينَ
Open ayah 82:11Oo sharaf leh waxna qori.
يَعۡلَمُونَ مَا تَفۡعَلُونَ
Open ayah 82:12Ogna waxaad falaysaan.
إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٖ
Open ayah 82:13Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.
وَإِنَّ ٱلۡفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٖ
Open ayah 82:14Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.
يَصۡلَوۡنَهَا يَوۡمَ ٱلدِّينِ
Open ayah 82:15Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta.
وَمَا هُمۡ عَنۡهَا بِغَآئِبِينَ
Open ayah 82:16Kamana maqnaadaan Naarta.
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
Open ayah 82:17Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.
ثُمَّ مَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
Open ayah 82:18Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.
يَوۡمَ لَا تَمۡلِكُ نَفۡسٞ لِّنَفۡسٖ شَيۡـٔٗاۖ وَٱلۡأَمۡرُ يَوۡمَئِذٖ لِّلَّهِ
Open ayah 82:19Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.