الزلزلة
Az-Zalzala
Translation: Somali - Mahmud Muhammad Abduh · Open the surah
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
إِذَا زُلۡزِلَتِ ٱلۡأَرۡضُ زِلۡزَالَهَا
Open ayah 99:1Marka DHulka la gilgilo.
وَأَخۡرَجَتِ ٱلۡأَرۡضُ أَثۡقَالَهَا
Open ayah 99:2Dhulkuna soo bixiyo culaykiisii (wixii ku aasnaa).
وَقَالَ ٱلۡإِنسَٰنُ مَا لَهَا
Open ayah 99:3Dadkuna (Gaaladuna) dhahaan maxay leedahay.
يَوۡمَئِذٖ تُحَدِّثُ أَخۡبَارَهَا
Open ayah 99:4Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda.
بِأَنَّ رَبَّكَ أَوۡحَىٰ لَهَا
Open ayah 99:5Maxaayeelay Eebaa u waxyooday.
يَوۡمَئِذٖ يَصۡدُرُ ٱلنَّاسُ أَشۡتَاتٗا لِّيُرَوۡاْ أَعۡمَٰلَهُمۡ
Open ayah 99:6Maalintaas Dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga Diinta iyo Camalkaba) si ay u arkaaan camalkooda.
فَمَن يَعۡمَلۡ مِثۡقَالَ ذَرَّةٍ خَيۡرٗا يَرَهُۥ
Open ayah 99:7Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki.
وَمَن يَعۡمَلۡ مِثۡقَالَ ذَرَّةٖ شَرّٗا يَرَهُۥ
Open ayah 99:8Kiise wax yar oo shar fala wuu arki.